Wararka

Yaa jabiyay ciidanka qaranka?

27/8/2023

Yaa ka danbeeyay inqilaabkii lagu jabiyay ciidankii qaranka?



Yaase so abaabulay jabkii ciidanka?
Shacabka reer somaliland wali waxay la jaah wareersan yihiin wixii dhacay iyo wixii sababay jabkii ciidankii qaranka?
Dadbadani waxay isla dhex marayaan wararka sheegaya in jabkii ciidanka ay ka danbeeyeen reero ka mid ah reeraha somaliland, taas oo ah waxaan waxba ka jirin. Waxaas waxa so malleegaya dad doonaya inay isku jabiyaan dadka shacabka ah ee reer SOMALILAND iyo dad siyaasiyiin ah oo danno gaara ah lehaa.  Sidoo kale waxaa jira dadbadan oo marin habaabinaya ciddii ka danbeysay jabkii ku dhacay ciidankiin qaranka. Sidaa awgeed
Waxan halkan ku faalaynayaa ama ku iftiiminayaa wixii ka danbeeyay iyo jabkii ciidanka qaranka SOMALILAND ciddii ka danbaysay iyo ujeedaddii ay kalahaayeen jabka ciidanka qaranka, 

waxa kaloo aan ka faaloondoonaa sidii loga so kaban lahaa jabka iyo khiyaamadda laga lahaa in lagu burburiyo wadanka jamuuriyadda SOMALILAND iyo waliba sidii guulo hor leh looga gaadhilahaa cadawga doonaya inuu waxyeelleeyo qaranka SOMALILAND.  

Sida aynu ognahay malinti jimcihii ee taariikhdu ahayd 25/8/2023 dagaal lagu so qaaday ciidamada qaranka ee jiidaha hore ku sugnaa taas oo aykeentay kadib markii la ogaaday in ciidamadda qaranka SOMALILAND lagu amaray inay dib uga so baxaan aagaga hore ee fadhiisimaha ay ka joogeen gobolka sool  amarkaas oo ay bixiyeen abaanduulayaasha iyo saraakiisha sar sare ee ciidamada qalabka sida ee jamuuriyadda SOMALILAND oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha wadanka muuse biixi cabdi oo isagu ah abaanduullaha ugu sareeya ee ciidamada qaranka.

 Sida illo wareedo xog ogagaali uga warameen warbaahinta(karaamonews.blogsbot.com) ujeedka amarka madaxwaynuhuna wuxuu  ahaa inay wadahadleen garaadada ka taliya gobolka sool iyo muuse biixi ayna isla qaateen in ciidanka qaranka la geeyo talliska oog taa bedelkeedana aan huwanta ka so horjeedaana ayn wax dagaala ku soo qaadi doonin inta ciidamadda laga saaraayo gobolka sool. 

Markii sidaa lagu balamay  garaadadii waxay gaadhsiiyeen huwantii iyo malleeshiyaadkii ka dagaalami jirtay gobolka sool sidaasna ay habeenkii ku soo guureeyeen soona dul degeen ciidamada qaranka ayadoo dab lagu shiday dhamaan dooxooyinkii ku hareeraysnaa aagaga ciidanku joogo waxaana dabkaa looga dan lahaa in malleeshiyaadku ku so hoos qariyaan iftiinka baabuurta iyo gurxanka iyo sanqadha si aanay u dareemin ciidamada qaranku. Qodob waa kaas qodobka labaadna waxa weeye in muuse biixi uu amarka si deg deg ah uu u faray jannanka kuud ee ciidamada qalabka sida ee somaliland nuux taani isaguna uu isugu yeedhay saraakiisha u qaabilsan ciidamada jiidaha bariga kuwaas oo uu usoo bandhigay amarka madaxwaynaha kuna wargaliyay in ciidanka degan taliska gooja cadde deg deg loo so saaro laguna amaray taliyihii gooja cade calibare, 

 talliye calibare wuxuu soo jeediyay in ciidanka aan lagu saarikarin hal habeen ciidankuna ku jabi karo haddii laysku dayo in habeen qudha amar lagu bixiyo in lagaga guuro taliska gooja cade, 

lakin uu calibare so jeediyay sidii taliska gooja cade looga guuri lahaa ciidanka qarankuna ku badbaadi lahaa oo uu farsamadaasi u baahantahay xeelad iyo farsamo aan ciidanka  waxba lagu yeelin hubkana lagu qabsan, 

arinkaa uu so jeediyay taliye cali bare waxa la gaadhsiiyay madaxwayne muuse biixi,muuse biixina waxa uu isla markiiba buulka dhigay taliye calibare isaga oo amar siiyay saraakiishii ka hoosaysay calibare laguna amaray inay so baneeyaan taliska gooja cade taas oo ciidankii ku noqotay niyad jab iyo jaahwareer. 

Markii taasi dhacdayna waxaa dhacday in ciidamadii ku hareeraysna taliska gooja cadde in laga jaray isgaadhsiintii iyo waliba gurmadkii iyo saadkii wax war ahna aan loo sheegin yaddoo muuse biixi uu ka baqay in ciidanka degan aaga mareega  uu amardiido samayn doono ciidankuna  aanu ka soo bixi doonin taliska gooja cade,  sidaa ayaa looga qariyay ciidamadda aadka u jabay ee deganaa  maraaga, 

ciidankaas oo uu hogaaminayay ganaral (faysal cabdi bootan)  

ujeedada kale ee qarsoon ee jirtaa ayaa ahayd in la muuse biixi iyo jannanka guud ee ciidanka qaranku ay kuwada socdeen in laga qariyo ciidamadaa difaaca u ahaa gooja cade guuritaanka taliska loo raraayo degmada oog, sidoo kale waxaa lagu balamay in lagu wanjallo guutooyinka 12 aad ee uu abaanduullaha u ahaa faysal cabdi bootaan ina badnaa beesha bariga burco, 

sidoo kalena danbigaa dusha laga saaro beesha uu ka soo jeedo taliya ku xigeenkii taliska gooja cade oo ah nin ka so jeeda beesha galbeedka burco halkaasna laysku dhufto labaddaa reer ee isku deeganka ah si dagaal beeleedyo uga dhex dhacaan gudaha SOMALILAND halkaasna uu jaanis ka helo muuse biixi si ay meesha uga baxdo arinka doorashooyinka iyo ururada ee la muddeeyay bisha 12 aad ee sanadkan,
Taas waxaa kuu cadaynaaya inan wali xukuumadda talada haysaa aanay war la qaadan karo ka soo saarin sidii ay ku dhacday jabkii ciidanka qaranku,   

waxaa iska cad in muuse uu aad ula coloobo qofkasta oo shaqadiisa ka adag ama magiciisa la soo qaad qaado taas oo uu aad ugu cadhooday taliyaha aaga 12aad ee iminka lqgu qabtay jabkii ciidanka ku dhacay ee (faysal cabdi bootaan).

Gabogabaddi iyo guntii, waxaan umadda reer SOMALILAND u so jeedinayaa inaan la qaadan marin habaabinta iyo miishanada uu soo malleegaayo muuse biixi iyo inta la ujeedada ah ee doonaya inay wadanka sii haystaan wax doorasha ahna aan la soo hadal qaadin, 

 sidaa awgeed reeraha somaliland ee la doonaayo in laysla dhaco oo yaga dhexdoda laysku jabiyo, waxaa ka wqantooba oo beentaa iska jira oo qofkata oo shacab ah ama muwadin reer somaliland ah oo inuun damiirkiisu shaqaynaayo inaanu faafin wararka been abuurka ah ee lagu kala dilaayo dadka reer SOMALILAND.  Qolyaha doorasho doonka ahna waxaan leeyahay doorashada waa layska gaadhi doonaa oo kursiga waad helaysaan ee wadanka aynu difaacano oo ka difaacano muuse biixi iyo cadawga daarood ee yagoo reernimo ku dagaalamaya hadana kala qaybinaaya shacabkii SOMALILAND,  

sidoo kale waxan ku talinayaa in ciidamadda qaranka lays garab taago oo laga daayo kuwiirsashada iyo hagardaamada, askarteena oo aynu kala garano talladda xun ee muuse iyo inta la qudhaabata, iyo wadaniyadda dhabta ah. Waxan kaloo aan ku talinayaa in laga degtoonaado isla iminka oo uu ciidankii qaranka ee waxaas oo tacab ahi ku baxay ee la galiyay uu jabiyay inuu hadana wali qorshaynaayo shirqoollo kale uu rabo inuu kusii kala diro ciidanka iyo inuu wadanka isku dayo inuu sii burburiyo, markaa waxan leeyahay waa in aad looga taxadaraa oo isha lagu hayaa muuse biixi oo la sheegaayo inuu ku so wajahan yahay taliska ciidanka ee iminka ay ku suganyihiin ciidankii uu jabiyay oo gadoodsani booqashadaas oo uu rajaynaayo inuu kaarto cusub kala dhexdhigo ciidamada gadoodsan ee jooga taliska oog. Waxan intaa sii dheer maadaama gudidii dhexdhexaadinta arimaha doorashooyinku ay so saartay qodobo lagu so afjaraayo khilaafkii ka taagnaa doorashada waa in xisbiyada mucaaradka ahi iyo taageerayaashooduba ay si deg deg ah u aqbalaan qodobaddaas dhexdhexaadinta ah ee gudidu soo saartay, haddii uu muuse qaadacana waxa ay noqondoontaa in laga badbaadiyo dalka oo meel loga so wada jeesto?????

Waxa qoray talliyaha ciidamada sirdoonka ee xuduudaha SOMALILAND ( (xasan gaas abtidoon))


Comments

Wararka

Musuqa ka jira wasaaradda Waxbarashada SOMALILAND

Jabhaddii gacan libaax oo go,doonsan iyo wararkaloo dheeraada ah

WAXBARASHADA SOMALILAND

Yaa ka masuulla muranka siyaasadeed ee wadanka ka jirta?

Dhibaatada telefannada casriga ahi ku hayaan bulshada